Fana: At a Speed of Life!

RW kuxigeenka oo xadhiga ka jaray safaaradda dalkan Itoobiya ee Turkiga

Addis Ababa,Feb 15, 2021 (Yekatit 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ,Demeke Mekonnen ayaa xadhiga ka jaray safaarada dalkan Itoobiya uu ku yeelan doono magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sidoo kale shir gudoomiyay munaasabada xadhig-ka jarka safaarada.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynihii hore Itoobiya Mulatu Teshome, uu Afar sano ka hor dhagaxdhigay safaarada dalkan Itoobiya ee magaalada Ankara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in munaasabadda furitaanka dhismaha xarunta safaaradda ay door muhiim ah ku yeelan doonto adkeynta xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.