Fana: At a Speed of Life!

RW-kuxigeenka oo kulan la qaatay wakiilka midowga yurub (EU) ee maaraynta qalalaasaha

Addis Ababa,Apr 20, 2021 (Miyasiya 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada JDFI,Demeke Mekonnen ayaa kulan la qaatay wakiilka midowga yurub (EU) ee maaraynta qalalaasaha ,Amabassador Janez Lenarčič,waxaana labada masuul ay kawada hadleen arimo kala duwan.

Labada dhinac waxay ka wada xaajoodeen dadaallada bogaadinta mudan ee ay dowladdu wado iyo siyaabaha loo yareyn karo caqabadaha jira ee dadka tabaaalaysan  deegaanka Tigray, lagu gaadhsiinayo gargaarka Bani-aadannimo.

Danjire Lenarčič ayaa bogaadiyay heshiiska ay gaadheen ururka xuquuqda aadanaha Itoobiya(EHRC) iyo qaramada Midoobay (UN) ee ah in ay si wada jir ah u baadhaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee la sheegay in ay ka dhaceen deegaanka ,wuxuuna bogaadiyay ku dhawaaqista bixitaanka ciidamada Eriterea isagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dadajiyo howsha.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka ayaa dhankiisa sheegay in horumar la taaban karo laga diwaan galiyay ilaa iyo hadda ,si dib loogu soo celiyo nolosha dad badan oo kudhaqan Tigray, inkasta oo ay dowladu wali waajahayso caqabado aad ubadan oo ay tahay in wax laga qabto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.