Fana: At a Speed of Life!

RW-kuxigeenka oo safar shaqo ku tegaya dalka Hindiya

Addis Ababa,Feb 16, 2021 (Yekatit 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada ee dalkan Itoobiya, Demeke Mekonnen, ayaa maanta socdaal ku tegaya dalka Hindiya.

Demeke inta uu ku gudajiro socdaalkiisan oo qaadanaya Afar maalmood, waxa uu kulamo la qaadan doonaa dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya Dr. S. Jaishankar.

Waxaa kale oo lafilayaa inuu daah furo xafiiska cusub ee safaarada itoobiya iyo degenaashaha.

Wasiir Demeke oo dhawaahan socdaal ku marayay qaar ka mid waddamada caalamka ,waxa uu shalay xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Itoobiya ay ku yeelanyso magaalada Ankara ee Turkiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.