Fana: At a Speed of Life!

Saamiya Xasan oo loo dhaariyay madaxweynaha Dalka Tanzania

Addis Ababa,Mar 19, 2021 (Megabit 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Saamiya Suluhu Xasan ayaa maanta loo dhaariyay in ay noqoto madaxweynaha cusub ee dalka Tanzania ,ka dib geeridii ku timid madaxweynihii hore ee dalkaasi,John Magafuli.

Saamiya Xasan ayaa noqonaysa madaxweynihii ugu horreeyay taariikhda ee haween ah ee loo dhaariyo madaxtinnimada dalkaasi.

Saamiya ayaa lagu dhaariyay qasriga madaxtooyada Tanzania iyada oo gacanta ku haysa kitaabka Quraanka kariimka ah.

Dastuurka dalka Tanzania sida uu dhigayo, waxa ay dhammaysan doontaa inta ka dhiman muddo xileedkii madaxweynihii hore, taas oo ka dhigan in afar sano ay xilka haynayso ka hor inta aan la gaadhin doorashada xigta ee sannadka 2025-ka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.