Fana: At a Speed of Life!

sannad-guuradii saddexaaad ee kasoo wareegtay xilligii uu madaxweyne Mustafe qabtay talada deegaanka soomaalida oo maanta ku beegan

Addis Ababa,Aug 23,2021 (Nehase 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay wakhtigii uu talada Deegaanka qabtay Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa ku beegan maanta oo kale 23-kii, August,2018.  hadddaba SRTV oo waraysi la yeeshay madaxweyne mustafe Muxumed Cumar ayaa sida u dhignaa

“Muddo toban (10) sano ah amaba ka badan waxaa shacabka Deegaanka lagala dagaallamayey jiritaanka isirka Soomaalinimo sida: astaanta calanka, heestii calanka iyo qaar kaleba, waxaa jirtay in heesta calanka Deegaanku isbaddalka kahor ay ahayd mid qoomiyado iyo afkaaro kale gudbinaysa, balse saddexdaas sano ee aan xilka haynno waxaannu ku guulaysannay soo-celinta iyo noolaynta astaamihii Soomaalinimo ee lagala dagaallamay shacabka”.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay dadaallo badan oo ay dawladdu ku bixisay xallinta khilaafaad ka jiray gobollada Soomaaliyeed ee ku xeeran Deegaanka, kuwaasi oo weliba lagu guuleystay.

“Waxaa meesha laga saaray ku-tumashadii xuquuqda aadamaha oo inta badan hay’adaha u dooda xuquuqda aadamuhu ay soo bandhigi jireen, balse maanta dhinaca xorriyadda, nabadgelyada, siyaasadda iyo xasilloonidaba uu yahay Deegaanka ugu wanaagsan guud ahaan dalka”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xoogga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS oo billawgii isbeddelka ay dad wada kicin bulsho ay lahaayeen waa la tirtirayaa la kordhiyay tiro iyo tayo ahaamba, iyaga oo weliba u dhisan sharci iyo aqoon ahaamba si ay bulshadooda ugu adeegaan qaab naxariis leh oo loo dhibrinayo, iyada oo aan laga tegaynin dhawrista sarraynta sharciga.

“Horumarka aannu qabannay ma ahan kuwa ka qarsoon indhaha bulshada oo waa ay muuqdaan”.

Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in ay u qorsheysan tahay xoojinta iyo adkeynta qodobbada soo socda:

  1. Xoojinta dhismaha hannaanka dawliga ah.
  2. Nidaamka iibka qaandaraasyada.
  3. Is-la-xisaabtanka dhinaca adeeg-bixinta.
  4. Ilaalinta sarraynta sharciga.
  5. ka-qeyb-galka hay’adaha Fadaraalka. I.w.m

Ugu danbayn, madaxweynuhu waxa uu sheegay in habo’yaraato ee aynan garanaynin goob ay ku caayeen ururka ONLF oo dhawaan guddoomiyaha ururku ku eedeeyay maamulka, balse haddii siyaasad ahaan iyo afkaar ahaan la isku dhaliilo micnaheedu in aynan ahayn in la is aflagaadeeyay amaba la isku gafay ayuu ku soo gabo’bayeeyay madaxweynuhu hadalkaiisa.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.