Fana: At a Speed of Life!

saygii boqoradda Ingiriiska ee Elizabeth II oo geeriyooday isaga oo 99 jir ah

Addis Ababa,Apr 09, 2021 (Miyasiya 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Prince Philip, oo ahaa Boqoradda Elizabeth II ninkeedii, ayaa geeriyooday isagoo  jira 99 sano, sida uu shaaciyay qasriga boqortooyada Buckingham.

Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad, waxaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska.

Bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham ayaa lagu yidhi: “Waa murugo tiiraanyo leh  in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeedii ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh.

“Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle.”

Prince Philip iyo boqoradda waxay isu dhaleen afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay carruurtooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.