Fana: At a Speed of Life!

Shiinaha oo ka cadhooday booqashada masuul sare oo maraykan ahi ku tagay Taiwan

Addis Ababa Aug 10, 2020 (Nehaase 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Alex Azar, oo ah Wasiirka Caafimaadka iyo bani’aadamnimada ayaa noqday siyaasigii ugu heer sarreeyay ee Mareykan ah oo muddo tobannaan sano gudahood ah booqday Jasiiradda Taiwan.

Taiwan ayaa ah mid ay dunida kale u aragto dal madax-bannaan, laakiin Shiinaha ayaa u aaminsan inay tahay gobol uu isagu leeyahay kuna hortaagan codka diidmada qayaxan ee “Veto”.

Shiinaha ayaa Mareykanka ugu baaqday inay xushmeeyo waxa uu ugu yeedhay “dalweynaha Shiinaha” iyo nidaamyadiisa.

“Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa xidhiidh kasta oo rasmi ah oo dhex mara Mareykanka iyo Taiwan,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. Waxa uu hadalkaas jeediyay markii isbuucii lasoo dhaafay la shaaciyay booqashadan.

“Waxa aan ku boorrineynaa Mareykanka in aanu wax calaamado khaldan ah u dirin ‘Arrimaha qaranimada Taiwan’ si looga hortago in aanu aad usii xumaanin heer waxyeello ahna gaadhin xidhiidhka Mareykanka iyo Shiinaha.

Mr Azar, oo Jasiiradda tagay hal maalin ka hor inta aanu la kulmin madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegay in “booqashadiisa ay khuseyso saddex ajande”.

“Ajandaha koowaad waa in Taiwan loo aqoonsado in ay tahay bulsho dimuqraaddi ah oo si fiican ugu guuleystay dagaalka ka dhanka ah Covid-19,” ayuu yidhi.

“Kan labaad waa in dib loo xaqiijiyo in Taiwan ay tahay saaxiib muddo dheer ay xulafo ahaayeen Mareykanka.

“Kan saddexaadna waa in hoosta laga xarriiqo in Taiwan ay mudan tahay in loo aqoonsado hoggaamiyaha caafimaadka adduunka, maadaama ay si muuqata wax ugu soo kordhisay caafimaadka caalamiga ah.”

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.