Fana: At a Speed of Life!

Shiinaha oo kasoo horjeestay cunaqabatayn cusub oo Maraykanku la damacsanaa Itoobiya

Addis Ababa,Sep 23,2021 (Maskarem 13,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Shiinaha ayaa ka soo horjeesatay  cunaqabateyn uu Mareykanka la maagganyahay in uu kusoo rogo dalkan ee Itoobiya.

“Waxaan rajeyneynaa in Mareykanka uu noqon doono mid miyir qaba oo kaalin wax ku ool ah ciyaari doona. Waxaan rumaysanahay in dhinacyada ay khuseyso ee Itoobiya ay karti iyo awood ay u leeyihiin in ay xallistaan khilaafaadka dhexdoofa ayna garwaaqsadaan in la isugu yimaado dib -u -heshiisiin qaran iyo soo dabaalidda nabadda iyo xasilloonida ee dalka. ”

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Shiinaha Zhao ayaa sheegay in Shiinuhu mar walba qabo in sharciga caalamiga ah iyo xeerarka aasaasiga ah ee haga xidhiidhka caalamiga ah ay tahay in loo hoggaaansamo islamarkaana dawladahu ay ixtiraamaan.

Shiinaha waxa uu ka soo horjeeda cadaadis aan loo meel dayin oo cunaqabateyn ah ama hanjabaad cunaqabateyn ah oo lagu soo rogo si uu u farageliyo arrimaha gudaha ee dalalka kale, ayuu Zhao sii raaciyay

Waxaana uu Mareykanka ugu baaqay in si taxaddar leh uu uga fiirsado arrimaha la xidhiidha Itoobiya oo uu kaalin wax ku ool ah ka qaato soo dabaalidda nabadda iyo xasilloonida dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.