Fana: At a Speed of Life!

Shir Ujeedadisu Tahay Qiimaynta Xaalada Saadasha Hawada Ee Dhanka Cimilada 4tii Bilood Ee Lasoo Dhaafay iyo Udiyaar garowga 4ta bilood Ee Soo Socota Ayaa ka Qabsoomay Magaalada jigjiga.

Addis Ababa,Feb 17, 2021 (Yekatit 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkan oo ay ujeedadisu tahay dib u eegida xaalada cimilada iyo udiyaargarawga cimilada 4 bilod ee soo socota ayaa ka qabsoomay xarunta saadasha hawada ee deeganka soomaalida iyo deeganada dariska ah.

waxaana kasoo qayb galay xafiisyada bah wadaagta la ah oo ay ugu horeeyaan xafiisyada beeraha, biyaha iyo xafiiska maaraynta khatarta masiibooyinka Ee DDS iyo bahwadaag kale.

Waxana intuu shirkani socday lagu soo bandhigay daraasad iyo qiimayn lagu soo sameeyay gobolada deeganka ee marxaladaha cimilada ee sida qabawga, kulaylka iyo roobka yaraantu meelahay jirto.

Agaasimaha guud ee wakaalada saadasha hawada deegaanka soomalida oo shirkan kadib SRTV la hadlay ayaa sheegay in shirka maanta ay kuso bandhigeen daraasadyo la xidhiidha xaalada cimilada iyo sidii xafiisyada bahwadaagta ahi diyaar garaw ay uga samayn lahaayen roob yarida iyo abaaraha soo noqnoqday.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.