Fana: At a Speed of Life!

Shirka qorshaynta miisaaniyadda sannadka 2014-ka ee DDS oo lagu qabtay magaalada Jig-jiga.

Addis Ababa,May 27, 2021 (Ginbot 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkan oo ay u dhannaayeen hoggaaminta xafiisyada Deegaanka iyo waaxaha qorshaynta ayaa lagu qorshaynayaa habka isticmaalka miisaaniyadda sannadka 2014-ka T.I, meelaha xoogga la saarayo iyo baahiyaha mudan in wax laga qabto ee ka jira guud ahaan Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne ku-xigeenka DDS, Mudane Ibrahim Cusmaan oo shirkan furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay is waafaqsanaadaan, laguna saleeyo qorshaha 10-ka sano ee dalka u degsan qorshaha sannadka 2014-ka ee madashan lagu qorshaynayo.

Sidaasi awgeedna xoogga la saaro, qorshahana ay ka dhex-muuqdaan meelaha baahida bulshadu ka jirto ee u baahan dhakhso in loo maareeyo, talo’galkeedana la sameeyo sidii miisaaniyaddu u noqon lahayd mid sida loo qorsheeyo baahida u daboosha, una fusha, maadaama miisaaniyadda oo si wanaagsan loo isticmaalo keenayso guulo horumarineed oo bulshada wada gaadha.

Furitaan kaddib, Xafiiska Maaliyadda ayaa soo jeediyey war-bixin la xidhiidha meelaha in laga duulo ay tahay marka wax la qorshaynayo si la isu waafaqo qorshaha 10-ka sano u yaalla dalka.

Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS ayaa sheegay in qorshaynta miisaaniyadda sannadka 2014-ka T.I xoogga lagu saari doono biyaha magaalooyinka, gaar ahaan biyaha caasimadda Jig-jiga, caafimaadka, waxbarashada, kordhinta dakhliga gudaha, shaqo abuurka, horumarinta magaalooyinka, jidadka iyo buundooyinka, dhammaystirka mashaariicaha socda iyo ka-shaqaysiinta kuwii dhammaaday.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.