Fana: At a Speed of Life!

Shirka wadatashiga Golaha Nabadda Iyo Midnimada Bulshada Deegaanka Soomaalida oo maanta qabsoomay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,July 17, 2021 (Hamle 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirka wadatashiga Golaha Nabadda Iyo Midnimada Bulshada Deegaanka Soomaalida oo maanta qabsoomay ayaa lagaga dooday saddex (3) qodob oo kala duwan.

Golahan ayaa la aas-aasay bishii Hamle ee sannadkii 2012-ka T.I, waxaana uu ka kooban yahay 40 xubnood. golahan muddadii u jiray waxaa uu ka shaqeeyay xallinta khilaafaaddada bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan Deegaanka Soomaalida iyo adkeynta midnimada iyo nabadda Deegaanka.

Kulankan ayey soo xaadiireen 21 xubnood oo ka mid ah guddiga, waxaana ay kaga doodayeen saddex (3) qodob oo kala ah:

1. War-bixinta waxqabadka golaha muddadii uu dhisnaa.
2. Dar-dar-gelinta shaqooyinka golaha.
3. Dhisidda guddi-hoosaaddo kala duwan oo uu ku hawl-galo guddigu.

Dood dheer kaddib, guddiga ayaa gacan-taag ku ansixiyey dhammaan qodobbadii lagaga dooday kulanka, sida oo kalena madashan inta ay socotay waxaa lagu soo dhisay saddex (3) guddi oo kala ah:

1. Guddiga soo-diyaarinta bayaanka golaha guurtida sida ku qeexan qodobka 56aad ee dastuurka DDS.
2. Guddiga is-fahansiinta iyo midnimada bulshada deegaanka.
3. Guddiga xallinta khilaafaadka bulshada Deegaanka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.