Fana: At a Speed of Life!

Shirkadda Emirates oo dib bilaabaysa duulimaadyadeedii Addis Ababa.

Addis Ababa July 17,2020 (Hamlee 10,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Shirkada diyaaraddaha Emirate-ka (Emirates) ayaa dib u bilaabaysa duulimaadyadeedii ay ku tegi jirtay magaalada Addis Ababa marka la gaadho1-da bisha soo socota ee Ogosto 2020.

Duulimaadyada waxaa laga hawlgelin doonaa Emirates B777-300ER waxaana laga dalban karaa emaylka emirates.com ama wakiilada socdaalka (Travel agency-yada)

Tani waxay samayn doontaa in shabakadda rakaabka diyaaraddaha ee laga leeyahay Imaaraadka carabta ay u safri doonaan 62 goobood , marka la gaadho bisha Ogosto.

Shirkadda diyaaradaha waxay sidoo kale xusuusineysaa rakaabka in xayiraadaha safarka dalal dhawr ahi ay wali meesha ku jirto (jiraan), ilsamarkaana keliya dadka safarka ah la aqbali doono haddii ay buuxiyaan shuruudihii u qalmida safarka oo ay u hoggaansamaan shuruudaha gelitaanka dalalka ay u safrayaan.

Shirkada diyaaraddaha ee Imaaraadku (Emirates) waxa ay boggeeda ku baahisay in rakaabka u safraya sidii dalxiisayaal tagaya Dubai ay tahy in ay sitaan shahaadada Xaqiijinta in aanay qabin(laga helin) feyraska koroona.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.