Fana: At a Speed of Life!

Shirkii maalgashiga waaxda gaadiidka Itoobiya oo maanta furmay

Addis Ababa,Mar 24, 2021 (Megabit 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkii ugu horreeyay ee maalgashiga waaxda gaadiidka ee dalakan Itoobiya ayaa saaka ka furmay magaaladan Addis Ababa.

Waxaana xafladii furintaan shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah kaso qaybgalay masuuliyiin sarsare oo tirsan xukuumada ,oo ay ka mid yihiin madaxweyne Sahle-work Zewde iyo wasiirrada gadiidka ,Dagmawit Moges.

Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka qabsooma dalkan Itoobiya ,kaasi oo kor qaadi doona fursadaha maalgashi ee waaxda gaadiidka ,abuurayana barxad isku xidha maalgashadayaasha shisheeye iyo kuwa maxalliga ah-ba.

Waxa shirkan lagu lafaguri doonaa dood ku saabsan 44 mashruuc oo lagu horumarinayo barnaamijka iskaashiga dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (PPP).

Mashaariicda lagu soo bandhigi doono munaasabadda ayaa waxaa ka mid ah horumarinta waddooyinka, waddooyinka gaadiidka, wadooyinka saadka(logistics), jidadka tareenada iyo warshadaha duulista, kuwaas oo ah qaybo ka mid ah qorshaha horumarineed ee hiigsiga 10-ka sano ee soo socda.ayay tidhi wasiirrada gadiidka ,Dagmawit Moges.

Shirkan ayaa lafilayaa in uu soo jiito maalgashiga,sidoo kale fududeeyo u suuqgeynta badeecada Itoobiya ee dalalka Koonfur-bari Asiya iyo Bariga Dhexe ayay raacisay Wasiirradu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.