Fana: At a Speed of Life!

Shirwaynihii 1aad ee laanta dhismaha Deegaanka Soomaalida oo ka qabsoomay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,DEC 23,2021 (Tihsas 14,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Shirwaynihii 1aad ee laanta dhismaha Deegaanka ayaa saaka ka qabsoomay madasha kulamada ee Qaryaan dhoodaan.

Madashan oo uu soo qaban-qaabiyay xafiska horumarinta magaalooyinka ayaa waxa kasoo qaybgalay Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumada Cumar, waxaana ku wehelinayay madax-wayne ku xigeenka deeganka mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Golaha wasiirada DDS Shirkadaha shismaha, kuwa latalinta, ergooyin kasocda xafisyada heer deegaan iyo maamul magaalooyinka .

Shirka ayaa waxaa furay Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wasiirka Xafiska Hormarinta Magaalooyinka iyo dhismaha DDS mudane C/raxmaan Ciid Daahir.

Madaxwayne Mustafe oo shirka furay ayaa sheegay in Isbadalkii ka dhacay deeganka waxbadan lasaxay siguud, wuxuuna sheegay in caqabadaha jira halmar lawada sixikarin .

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in caqabadaha saktarkan lagu xalin karo in laraaco nidaamka iyo sharciyada dhismaha, taasoo sabab unoqonkarta inay badbaado Bilions lacaga .

Wasiirka Xafiiska Hormarinta magaalooyinka iyo dhismaha ayaa sheegay inay tahay heer deegan markii ugu horaysay ee la qabto kulan noocana wasiirka ayaa ka soo qaybgalayaasha u iftiimiyay ahmiyada uu leehayay saktarka dhismaha, oo ay shaqo abuur ka helaan dadka ugu badan ee deegaanka.

Dhismaha casriga ah oo ka kooban guryaha wadooyinka biyaha ayaa waxaa loo bahanyahay in lagu hirgaliyo Wakhtigii Misaaniyadii, iyo Tayadii loogu talagay in lagu fuliyo.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in loo bahanyahay inay shirkaduhu inay koraan oo ay ka tartamaan heer qaran kana gudbaan heer deegan si ay shirkadaha yar yari fursad u helaan.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay cashiro iyo doodo lagu soo bandhigayo caqabadaha ka jira saktarka dhismaha iyo siyaabaha loo xalin karo .

Xigasho:XWDDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.