Fana: At a Speed of Life!

Shirweynihii Qorshe-hagaha iyo maaraynta dhulka magaalooyinka ee Deegaanka Soomaalida oo ka qabsoomay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,DEC 24,2021 (Tihsas 15,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa maanta magaalada Jig-jiga lagu qabtay kulan lagaga hadlayay Qorshe-hagaha iyo maaraynta dhulka DDS.

Waxaana kulankaas ka qabgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne-ku-xigeenka DDS, Mudane Ibrahim Cusmaan,Wasiirka Xafiiska Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDS, mudane Cabdiraxmaan Ciid Daahir.

Madaxweyne-kuxigeenka DDS oo kulankaas furay ayaa sheegay in loo baahanyahay in xal degdeg loo helo arrimaha dhulka la xidhiidha ee magaalooyinka, Madaama sida uu sheegay magaalooyinka ay aad uga hooseeyaan magaalooyinka kale ee dalka.

Waxa kale oo uu xusay in qorshe-hagahu uu qayb weyn ka qaato koboca dhaqaalaha magaalooyinka iyo bilicda, isaga oo tilmaamay in adeegyo badan oo magaalooyinka Deegaanka laga fulin lahaa aysan suuragal ahayn xilligaa in fuliyo sababo la xidhiidha caqabadaha dhulka ee jira awgood.sida darteed, loo baahanyahay in si cilmiyaysan looga doodo, Xalna laga soo saaro arrimaha dhulka.

Shirkan oo ahaa kii koowaad,ayaa waxa kasoo qaybgalay hoggaaminta maamul magaalooyinka, hay’addaha caddaaladda, dillaalayda dhulka, waxgaradka Deegaanka iyo qaybaha kala ee bulshada, waxaana kulankaas lagu soo bandhigay warbixin ka tarjumaysa muhiimamada uu qorshaha-hagahu uu leeyahay magaalooyinka DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.