Fana: At a Speed of Life!

Soomaaliya oo cambaareysay Imaaraadka Carabta

Addis Ababa,Feb 21, 2021 (Yekatit 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dawladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay warqad ay dawladda Imaaraadka Carabta shalay kasoo saartay qalalaasihii ka dhacay Muqdishu Jimcihii.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddaasi ay ahayd gef, isla markaana waxay ugu baaqday Imaaraadka Carabta ina raalligelin ka bixiso qaladkaas, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe.

Imaaraadka ayaa shalay soo saaray war saxaafadeed uu kaga hadlay gacan ka hadalkii Jimcihii ka dhacay Muqdishu, waxaana uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, qalaasaha socda yo isticmaalka awoodda xad-dhaafka ah, sida lagu sheegay qoraalkaasi.

Imaaraadka ayaa sidoo kale ku tilmaamay dawladda Soomaaliya mid “ku meelgaadh ah” sida ku qornayd warqaddaas.

Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayso dadaallada caalamiga ah ee lagu qabanayo doorasho ku dhacda si furan oo xor ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in ka hadalka doorashada ay tahay arrin ka mid ah arrimaha gudaha Soomaaliya, waxaana uu ka digay faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.