Fana: At a Speed of Life!

Sucuudiga oo lix bilood ka dib furaya waajibaadkii Cumrada

Ababa Oct 04, 2020 (Maskerem 24,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Dawladda Sucuudiga ayaa Axaddan maanta ah  shaacisay dib u furidda goobaha barakaysan ee Muslimiinta ee acmaasha Cumrada, ka dib lix bilood oo ay xayiraadi u saarnayd  cudurka coronavirus-ka dartiis.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa maanta oo  axad ah barteeda Twitter-ka ku baahisay in iyada oo la raacayo nidaamyadii ka hortaga fayraska ay xujaajtii ugu horraysay gudanayaan acmaasha Cumrada.

Wasaarrada oo aan wax faahfaahin dheeraadah ka bixinin ayaa haddana waxa ay soo bandhigtay sawirrada dadkii gudanayay acmaasha khayriga ah iyaga oo ku sugan gudaha masjidka barakaysan ee Xaramka.

Dadka reer Sacuudi iyo dadka ajaanibta ah ee degan boqortooyadaba waxaa loo oggolaan doonaa inay ku gutaan waajibaadka cumrada(Xajka Yar) gudaha Masjidka Xaramka islamarkana waxa gali doona 30% ama 6,000 oo qof maalintiiba sida lagu bilaabay Axaddan maanta ah.

Mar sii horreysay, wakaaladda wararka ee sucuudiga (SPA )ayaa shaacisay in xayndaabka la dhigay agagaarka Kacbada iyo Dhagaxa Madow ee Dhawrsan uu sidiisii ku sii nagaan doono, iyada oo dadka martida ahna laga hor istaagi doono inay taabtaan ,tan oo qayb ka ah tallaabooyinka ka hortagga COVID-19.

Masjid al-Xaramka, oo ah halka ay ku taal Kacbada, ayaa jeermiska laga nadiifin doonaa 10 jeer maalintii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sucuudiga ee SPA , iyada oo intaa ku dartay in goobaha karantiilku ay horeyba ugu sii diyaarsanaayeen dadka imanaya ee muujiya astaamaha COVID-19.

Toddobaadkii hore,  ayaa dawlada sucuudigu ku dhawaaqday inay si tartiib tartiib ah u qaadi doonto xayiraaddii  Corona virus dartiis u saarnayd xajka .

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.