Fana: At a Speed of Life!

Tababar uu soo diyaariyay Bangiga Horumarinta Itoobiya oo ka qabsoomay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Mar 22, 2021 (Megabit 13,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen Shirkadaha yar-yar ee magaalooyinka Jig-jiga, Dhagaxbuur, Qabridahar, Godey, Diridhaba, Harar iyo magaalooyin ka tirsan Deegaanka Oromiya oo kala ah Galamso iyo Jiro, ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan.

Tababarkani oo uu bangiga dalku u diyaariyay shirkadaha yar-yar iyo kuwa dhexe ee dalka ayaa waxaa hadal kasoo jeediyay Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar oo kula dardaarmay tababar-qaatayaasha in ay u dhugyeeshaan cashirrada tababarka.

Hal-kudhagga tababarkani ayaa u dhignaa sidatan; “Shirkado yar-yar iyo kuwa dhexe oo ku dhisan aqoon, shaqo-abuur iyo tartan waa aas-aaska horumarka dalka”.

Bangiga Horumarinta Itoobiya oo ah bangi bixiya lacagaha daynta ah, gaar ahaan wixii ka sarreeya hal (1) Milyan oo kaliya ayaa dhawaan caddeeyay in Deegaanka Soomaalida ay ugu talagaleen lacag dhan 500 Milyan oo Bir.

si loogu horumariyo Shirkadaha yar-yar iyo kuwa dhexe ee Deegaanka, ujeeddada tababarkanina waxay daarantahay qaabkii looga faa’iidaysan lahaa lacagtani iyo shuruucda looga baahanyahay dayn-qaataha.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.