Fana: At a Speed of Life!

Taliban oo Dishay Sagaal Askari, Kuwa Kalena Qafaalatay

Addis Ababa,Apr 10, 2021 (Miyasiya 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Saraakiisha waddanka Afghanistan ayaa jimcihii shalay ahaa sheegay in dagaalyahanada Taliban ay dileen ugu yaraan sagaal ka tirsan ciidamada amniga, isla markaana af-duubteen 13 xubnood oo kale, kaddib weerar ay ku soo qaadeen gobolka Herat ee kuyaal xadka Iran.

Guddoomiyaha gobolka Herat Sayed Wahid Qatali ayaa VOA u sheegay in Taliban ay bartilmaameedsadeen laba saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, kuwaas oo ku yaal degmooyinka Koshan iyo Ghorian.

Taliban ayaa dhinaceeda bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dileen 13 ka mid ah ciidmada dowladda, ayna qafaasheen 22 kale, inkasta oo sheegashadoodu ay badanaa noqoto tiro aan sax aheyn.

Dhanka kale ugu yaraan shan kale oo ka tirsan ciidanka Afghanistan ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay dagaal subaxnimadii hore ee jimcaha ay Taliban kula wareegtay gobolka bari ee Nangarhar.

Iyadoo ay socoto qaban-qaabada shir uu Mareykanku soo jeediyay oo dabayaaqada bishan lagu qaban doono magaalada Istabul ee waddanka Turkey si loo dardar galiyo qorshaha nabadda ee u dhexeeya Taliban iyo dowladda Afghanistan ayaa hadana dagaallo aan kala joogsi laheyn ay ka socdaan waddanka colaaduhu ragaadiyeen.

Waddanka Russia ayaa isna Jimcihii sheegay inay ka fikirayaan abaabulka shir kale oo lagu taageerayo geeddi socodka nabadda, si la mid ah kulankii bishii la soo dhaafay ay ku qabteen Moscow, kaas oo ay ka soo qeygaleen dhinacyada dirirtu ka dhexeyso, ayna good-joog ka ahaayeen Mareykanka, China iyo Pakistan.

Maria Zakhrova oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Russia ayaa sheegtay inay qorsheynayaan shirkaas oo mar kale ka dhici doona Moscow.

Magaalada Washington, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa wariyeyaasha Khamiistii u sheegay in kulanka Istanbul uu yahay mid qaban-qaabadiisa iyo ajandihiisa ay leeyihiin dhinacyada reer Afghanista.

“Kulanka soo socda waxaa loogu talagalay inay wadahadallada horumar ka gaaraan dhinacyada wada-xaajoonaya ee reer Afghanistan, si loo dhammeeyo wadahadaladdii nabadda ee ka soo billowday Doxa” ayuu Price yidhi.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu ayaa xaqiijiyay in dalkiisu martigelin doono kulankan, isagoo yidhi “Turkiga waxaa ku kalsoon labada dhinac ee wadahadlaya.”

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.