Fana: At a Speed of Life!

Tallaalkii jaamacadda oxford ee virus-ka corona oo hakad la geliyay ka dib markii dad lagu tijaabiyay ku xanuunsadeen

Ababa Sep 9, 2020 (Baagume 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyraska corona ayaa hakad la geliyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadkii sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay ee dalka UK uu jidhkoodu uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baadhitaan madaxbanaan lagu sameyn doono.

Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go’an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha.

In ka badan 10’000 oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkani.

Waxa sidoo kale talaalkan tijaabadiisa ka qeyb galay muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Mareykanka.

Waxaa guud ahaan caalamka ay shirkadaha iyo dowladaha ay tartan ugu jiraan sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago feyriska fara’aha ba’an ku haya caalamka ee Corona.

Waxaa caalamka guud ahaan iminka tijaabo ku jira 30 tallaalka looga hortagayo feyriska koroona oo ay wadaan shirkado iyo Seynisyahano kala duwani.

Balse tijaabada tallaalka ee ay waddo jaamacadda Oxford ayaa la rumaysan  yahay in uu yahay midka ugu hormarsan.

Geesta kale,Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in talaalka feyriska Corona uu diyaar noqdo ka hor doorashada 3 bisha November.

Balse hadalkiisa ayaa waxaa ka dhashay walaac ku aadan in laga yaabo in mudnaanta la siiyay siyaasadda oo aan la eegin badqabka talaalka.

Talaadadii koox shirkado ah oo ka kooban 9 islamarkana ku howlan sameynta tallaal Covid-19 ayaa dadwaynaha u xaqiijiyay iyaga oo ku dhawaaqay “ballanqaad taariikhi ah ” oo ku saabsan in la dhowri doono anshaxa tayada iyo heerka marka la baadigoobayo talaalka.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in ku dhawaad 80 nooc oo talaal ah la tijaabiyay guud ahaan caalamka, balse dhammaantood aan wali la dhameystirin.

Donald Trump ayaa horay ugu  weeraray hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) sida ay u waajahday cudurka safmarka”coronavirus”, waxaana uu ku eedeeyay inay u xaglinayso dhanka Shiinaha sababtoo ah sida ay ula tacaamushay hagitaankeeda ku aadan cudurka.

Xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.