Fana: At a Speed of Life!

Tirada dhimashada uu sababay qaraxii dekedda magaallada beyruut oo gaadhay 190 qof

Addis Ababa Aug 30, 2020 (Nehaase24,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Tirada dadkii ku naf-waayay qaraxii xoogganaa ee bishan  ka dhacay magaalada Beyruut ayaa kor ugu kacday190 iyada oo in kabadan 6,500 qof-na ay ku dhaawacmeen halka saddex kalena la la’yahay.

Mas’uuliyiinta dalka Lubnaan ayaa weli baadhaya waxa sababay qarxii  xoogganaa ee kadhashay maadooyin walxaha qarxaha ah oo muddo laba sannadood ah  ku kaydsanaa dekedda magaalada beyruut kaas oo geystay burbur xooggan oo dhaqaale ,mid nafeed iyada oo siyaasiyiinta dalkaasina lagu eedeeyay musuqa xadhkaha goostay iyo wax ka qabasho la’aanta burnurka dhaqaale ee uu waajahay dalkaasi .

Ciidamada ayaa Sabtidii sheegay in wali la la’yahay 7 qof  oo ay saddex reer Lubnaan yihiin, saddex-na reer Suuriya iyo hal qof oo Masaari ah.

Qarixii afartii Agoosto waxa ku guryo beelay 300,kun  oo qof waxaana uu sababay khasaare hantiyeed oo lagu qiyaasay $ 15 bilyan, sida lagu sheegay warbixin uu Axaddii soo saaray xafiiska  golaha wasiirrada ee dalkaasi.

Reuters

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.