Fana: At a Speed of Life!

Trump iyo Joe Biden oo eedaymo isku jeediyay

Addis Ababa Aug 31, 2020 (Nehaase 25,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Dimuqraadiga ah ee loolanka adagi kala dhaxeeyo Mr.Joe Biden ayaa midba midka kale ku eedeeyay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee  ka dhacay magaalada Portland ee gobolka Oregon xilli taageerayaasha madaxweyne Trump iyo dhaqdhaqaaqa cadaalad doonka ah ee dadka madow ay isku farasaareen halkaas.

Mr.Trump waxa uu ku eedeeyay duqa magaaladda Portland Ted Wheeler oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga inuu ka dambeeyo rabshadihii sababay dhimashada iyo burburinta magaaladiisa”.

Dhanka kale, Mr Biden waxa uu sheegay inTrump si ula kaca ah u kiciyay rabshadaha.

Dibadbaxyda  ka dhacay Portland waxa looga soo horjeeday dilkii George Floyd waxaana hadheeyay qalalaaso, in la burburiyay hanti badan iyo eedeyn loo jeediyay booliska oo ah in ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah iyaga oo sidoo kusoo bandhigay halku dhigii caanka baxay ee ”Black Lives matter”.

Dibadbaxyaddan waxa ku dhintay hal nin kaas oo ay boolisku toogteen maalinnimadii sabtida

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.