Fana: At a Speed of Life!

Trump oo ka warbixiyay xaaladdiisa caafimaad

Ababa Oct 04, 2020 (Maskerem 24,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu hayo xanuunka COVID19 ayaa xalay sii daayay muuqaal cusub oo uu kasoo duubay Cisbitaalka uu kujiro, kaasoo uu ku sheegay inuu dareemayo inuu soo fiicnaanayo islamarkaana uu rajeynayo inuu dhaqso kusoo bogsado.

Muuqaal afar daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlay ayuu ku sheegay inuusan fiicneyn markii la dhigayay cisbitaalka Walter Reed ee duleedka Washington, kadib baadhitaankii la mariyay Jimcihii ee looga helay xanuunka.

Laakiin waxa uu sheegay inuu aad u fiican yahay hadda islamarkaana ay si adag uga shaqeynayaan inuu dib usoo kabto, isagoo intaasi ku daray in aanu garaneynin sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socda oo uu sheegay inay mari doonaan tijaabada dhabta ah.

Trump codkiisa ayaa laga dareemayay waxoogaa daal ah intii muuqaalka uu socday, laakiin waxaa ka muuqday niyad wanaag waxuuna sheegay inuu u dagaallamayo malaayiin dad oo dunida daafaheeda ku nool kuwaas oo la ildaran Virus-ka, isagoo intaasi ku daray inay ka adkaan doonaan cudurka COVID19.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howlan, dadweynaha Mareykanka iyo hogaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen.

Xanuunka COVID-19 ee ku dhacay madaxweyne Trump ayaa imanaya, muddo bil ah ka hor inta aanay dhicin doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 3-da November.

Xigasho:VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.