Fana: At a Speed of Life!

Trump oo wacad ku maray in la xidhi doono qofkasta oo isku daya in uu soo rido Taallo.

Addis Ababa, Jun 23, 2020 (Senee,16,2012) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu soo qaban doono qof kasta oo lagu qabto isagoo jabinaya taallo ama Xasuuso, isagoo ku hanjabay in jeelka loo taxaabi doono 10 sannadood.

Trump ayaa intaa ku daray in amarkan cusub uu khuseeyo “xaalada dib usoo noqoshada” sidaa darteed kuwa horey uga qeyb qaatay burburinta taallooyin waa la xidhi karaa.

Waxaan u fasaxay Dawladda Federaalka inay xidho qof kasta oo wax u geysta ama baabi’iya wixii xasuus ah, taallo ama wax kasta oo hantiya oo uu leeyahay dalka Mareykanku isaga oo qofkii ku kaca falalka noocaas ahi uu mutaysan doono10 sano oo xabsi ah, sida uu qabo Xeerka Ilaalinta Xasuusaha ee Veteran,ayaa uu madaxweyne madaxweyne Donald Trump ku baahiyay bartiisa twitter-ka Talaadadan.

Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa waddanka oo dhan laga iclaamiyay kaas oo ka dhan ahaa falkii cunsurinimo ee lagu dalbanayay in caddaalada lagu horkeeno ka dib markii si axmaqnimo ah loo dilay 25-kii bishii May George Floyd, oo ahaa nin madow oo 46-jir ah, lslamarkaana uu diley sarkaal boolis caddaan ah oo ku sugan Minneapolis.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.