Fana: At a Speed of Life!

Trump oo weerar afka ah ku qaaday ninka ay loolamayaan ee Joe Biden

ddis Ababa Oct 25, 2020 (Tiqimti 15,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii isu soo baxyo ballaadhan ku qabtay saddexda gobol ee North Carolina, Ohio iyo Wisconsin, iyadoo ninka la tartamaya oo ah madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu diiradda saarayo gobolka lagu dagaallamo ee Pennsylvania, halkaas oo ku qabtay laba xafladoood oo ololihiisa ah.

Trump ayaa ku weeraray xisbiga Demoqoraadiga iyo saxaafadda sii wadidda diiradda ay ku hayaan Coronavirus, isagoo ku eedeeyay inay jihada ka leexinayaan wax uu ugu yeedhay fadeexadda Biden iyo wiilkiisa Hunter ay ku lug leeyihiin.

“waxay isku dayayaan inay qariyaan dhamaan musuqmaasuqa qoyska Biden,” ayuu yidhi Madaxweyne Trump isagu joogay isu soo bixiiisii labaad ee Ohio uu ku qabtay

Markii wariyayaasha ay weydiiyeen sare u kaca kiisaska coronavirus ayaa Trump oo ku sugnaa garoonka diyuuradaha ee magaalada Columbus uu ku jawaabay , “idinka ayaa adeegsanaya ereyga ‘kiis’ sababtoo ah waxaad isku dayaysaan inaad dadka ku cabsi galisaan. Ha cabsi galinina dadka. Ha cabsi galinina dadka..”

Trump ayaa munaasabdii kowaad ee Lumberton North Carolina kaga hadlay baadhitaanka COVID19, maalin kadib markii Mareykanka laga diiwaan galiyay tiradii ugu badneyd ee dad ah oo xanuunka hal maalin uu soo rito.

Madaxweynaha ayaa Ohio ka sheegay in coronavirus uu dhamaanayo, laakiin saxaafadda ay ka hadlayso oo kaliya kiisaska, iyagoo aan soo hadal qaadin hoos u dhaca dhimashada.

Hadalka Madaxweyne Trump uu ku weeraray ninka ay tartamayaan ee Biden, xisbiga Demoqoraadiga iyo saxaafadda ayaa imaanaya iyadoo doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ay ka hadhsan tahay wax ka yar laba todobaad.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.