Fana: At a Speed of Life!

Ukraine oo sheegtay in ay dhoolatus Milateri la samayn doonto Gaashaanbuurta NATO

Addis Ababa,Apr 05, 2021 (Megabit 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ciidamada milateriga Ukraine ayaa Sabtidii iclaamiyay in dhoolatusyo milatari oo wada jir ah ay la sameynayaan doonaan ciidamada gaashaanbuurta NATO ,iyadoo ay ku bilaaban doonaan bilo yar gudahood ka dib, talaabadaas oo cirka kusii shareeri karta xiisada ka taagan gobolkaas.

NATO ayaa ka dhawaajisay khamiistii inay ka walwalsan tahay waxa ay ku sheegtay dhismaha ciidamo militari oo  badan ,oo uu Ruushku geynayo meel u dhow bariga Ukraine ka dib markii Ruushku ka digay muranka sii kordhaya ee ka taagan gobolka Donbass ee Ukraine inuu “burburin karo” Ukraine”.

Kremlin-ka ayaa jimcihii sheegay in ciidamo kasta oo NATO ay u dirto Ukraine ay horseedi doonto xiisad hor leh oo ka dhacda aagaga xuduudaha Ruushka isla markaana ay ku qasbi doonta Moscow inay qaado talaabooyin lagama marmaan ah oo ay ku sugeyso amaankeeda qaran.

Ciidamada Ukraine  iyo xoogaga gooni u goosadka ee uu taageero Ruushka ayaa dhow jeer ku dagaalamay gobolka Donbass ee mulkigiisa lagu muransanyahay,iyada oo xukuumadda keiw ay sheegtay in 14,000 oo qof  ay dhinteen iskahor-imaaadyadaas tan iyo sannadkii 2014.

Dhoolatusyadan ay iclaamiyeen Milateriga  Ukraine ayaa la sheegay qeyb qaadan doonaan  in ka badan 1000 askari oo ka kala socda ugu yaraan 5 dal oo xubno ka ah  gaashaanbuurta NATO ,iyada oo la qaban doono d bilaha soo socda, ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa ku yidhi qoraal ay soo dhigeen Faceboo-ga maalintii Sabtida.

Xiisad horleh ayaaa muddooyinkii u dambeeyay kaso cusboontay soohdimaha ay wadaagaan labada dal ee Ukraine iyo Ruushka,iyada oo xukuumada Moscow ayaa ka dhwaajisay in ay qaadayso tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda qaran.

Gaashaanbuurta NATO ,ayaa iyaduna isha ku haysa ficillada uu bariga Ukraine ka wado Ruushku,iyada oo ku qasban markan in ay iska hor-imaad la gasho Ruushka,madaama 2014-kii uu Ruushku  Gacanka Crimea  uu ku darsaday dalkiisa

Reuters

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.