Fana: At a Speed of Life!

Culimmaa’aw’diinka waa-weyn ee Soomaaliyeed oo muxaadarooyin ka jeediyay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Sep 14,2021 (Maskarem 04,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Sh. C/rashiid Sh. Cali Suufi iyo Sh. Maxammed Cumar Dirir ayaa markiska Sh. C/raxmaan Saylici ee magaalada Jig-jiga muxaadaro ka jeediyay.

Culimmo’awdiinka waa-weyn ee Soomaaliyeed oo maalmahan ku sugnaa xarunta Deegaanka Soomaalida ee magaalada Jig-jiga ayaa duruus ku saabsan barashada culuunta diinta iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee ay ku suntan yihiin muslimiintu u jeediyay dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo wax ka barta markiska Sh. C/raxmaan Saylici ee magaalada Jig-jiga.

Sh. Maxammed Cumar Dirirayaa sheegay in wax la barto waxa ugu wanaagsan uu yahay weedha Eebbe iyo xadiiska rasuulka (SCW), taasi oo bulshada u horseedi kara dhaqammada wanaagsan.

Sh. C/rashiid Sh. Cali Suufi oo ka hadlay munaasabaddan ayaa sheegay in dhallinyaradu ay ka faa’iideystaan wakhtigooda, bartaanna cilmiga diinta Islaamka iyo cilmiga maadigaba si ay u noqdaan kuwo dhan walba ka dhisan, ummaddana maskaxdooda baddali kara.

Maamulaha markiska Sh. C/raxmaan Saylici Sh. Nabhaan C/laahi Shibin ayaa ka war-bixiyay taariikhada markiska Sh. C/raxmaan Saylici, isaga oona sheegay in markiskan uu aas-aasan yahay 1 sano iyo badh, islamarkaana lagu barto duruusta Islaamiga ah.

Ardayda wax ka barata markiska Sh. C/raxmaan Saylici ayaa halkaasi culimmada ugu soo jeediyay kutubtii ay barteen.

intaas kadibna culimmadan ayaa waxaa shahaado-sharafeed loogu sameeyay buurta taariikhiga ah ee Kaaraamardha.

Ugu damayn, xubnihii soo agaasimay kulankan aya uga war-bixiyay ahmiyadda guud ee kulan-diimeedkani, iyaga oona sheegay in ay culimmadan ka heleen cilmi dhaxal-gal u ah jiilka soo kacaya.

Si kasteba ha ahaato’e cullimadan oo maalmahan ku sugnaa magaalada Jig-jiga ayaa bulshada u jeedinayay muxaadarooyin bulshada wax tar u leh.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.