Fana: At a Speed of Life!

Ururka caafimaadka adduunka oo Itoobiya ka daah-furay xarun-tababareed loogu taloglay ka jawaabcelinta xaaladaha degdega ah

Addis Ababa,Apr 15, 2021 (Miyasiya 07,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa magaaladan Addis Ababa ka furay xarun tababar, oo ay ku tababaranayaan kooxda daryeelka caafimaadka degdegga ah ee heer qaran iyo heer gobol-ba isugu jira.

Xaruntan tababarka waxa shalay si wada jir ah u daah-furay agaasimaha Afrika ee ururka caafimaadka (WHO) Dr. Matshidiso Moeti, iyo wasiirrada caafimaadka Itoobiya Dr. Liya Tadhasse.

Xaruntani waxa ay tababar siin doontaa xirfadlayaasha caaafimaadka ee masiibada iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah ee ka jira guud ahaan qaaradda Afrika , iyadoo kor u qaadeysa xirfadahooda farsamo iyo kuwooda aqooneed-ba.

Tababarka ayaa ka koobnaan doona ka jawaabista xaaladaha deg deg ah ee cudurrada ay ka mid yihiin daacuunka(shuban-biyoodka), Shigella iyo Ebola.

Xaruntan tababarka ayaa door muhiima ka ciyaari doonta dhismaha xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo ka jawaab celinta musiibooyinka, ayaa la xusay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.