Fana: At a Speed of Life!

Waddamada Itoobiya, jabuuti, iyo ruushka oo isla meeldhigay shir-wadatashi oo ku saabsan ganacsi wadajir ah

Addis Ababa,Jan 25,2022 (Dir 17,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkaasi wadatashiga ee dhanka ganacsiga saddex-geesoodka ah oo lagu qabtay caasimad ruushka ee Moscow, ayaa waxa hal-kudhig looga dhigay shirka wadatashiga ganacsiga ee Itoobiya, Jabuuti iyo Ruushka.

Waxaana shirkaasi kasoo qaybgalay wakiillo ka kala socday Itoobiya iyo Jabuuti, wasiirro, danjirayaasha Itoobiya, jabuuti iyo federeeshinka Ruushka, Danjiraha Itoobiya u fadhiya Ruushka, Danjire Alamayahu Tegene iyo madax sarsare oo ka tirsan dowladda.

Warkan oo aanu ka helnay wasaaradda arrimaha Dibedda ayaa waxa uu sheegayaa in iyada oo la kaashanayo  guddiga iskuduwidda iskaashiga dhaqaalaha Afrika, labadaasi dal ee Itoobiya iyo Jabuuti dhawaan laga aas-aasi doono xarumaha taakulaynta ee ganacsiga Ruushka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.