Fana: At a Speed of Life!

Waddo isku xidhaysa magaalooyinka Diridhabe iyo Shiniile oo si rasmi ah loo bilaabay

Addis Ababa,May 27, 2021 (Ginbot 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa si rasmi ah dhismaheeda loo bilaabay waddada isku xidhi doonta magaalooyinka Diridhabe iyo Shiniile ee DDS.

Waddadan oo dhererkeedu dhanyahay 6 KM ayaa waxa ku baxaya addduun lacageed oo dhan 500 Milyan oo Birr,waxaana kharashka ku baxaya waddadani bixinaya bankiga adduunka.

Dhismaha Mashruucan ayaa waxa uu qayb ka yahay mashaariicda uu bankiga addduunku ugu talogalay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka ee loo soo gaabiyo UIIDP.

Qorshaha dhammaystirka dhismaha waddadan ayaa lagu soo gebagebayn doona muddo hal sano iyo badha guddahood ah.

Madaxa xafiiska maamulka magaalada diridhabe mudane Cabdiwaajid Maxamed ayaa sheegay in maamulka magaaladu uu dabagal ku samayn doono habsami usocodka dhismaha mashruucan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.