Fana: At a Speed of Life!

Wasaarada gaashaan dhiga oo xadhiga ka jartay dhismaha xarunta Xafiiska Wasaarada Difaaca oo la casriyeeyey

Addis Ababa,Jan 09,2022 (Dir 01,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaarada gaashaan dhiga JDFI ayaa xadhiga ka jartay dhismaha xarunta Xafiiska Wasaarada Difaaca oo la casriyeeyey.

Xafladii xadhig-ka-jarka dhismahan cusub  ee wasaaradda gaashaandhigga ayaa waxaa ka qayb-galay Ra’iisal Wasaare Dr. Abiy Axmed, Wasiiro, Madaxwaynayaasha dawlad deegaanada, Saraakiisha sare ee hogaaminta ciidamada difaaca iyo martisharaf kale.Sidoo kale ciidamada difaaca qaranka ayaa xaflada xadhig-ka- jarka kusoo bandhigay dhoola tusyo kala duwan.

Dhismahan ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisu le’eg tahay 13 kun oo kaaraa mitir, halka ay ku dhex-yaalaan 5 dabaq oo waaweyn, in ka badan 700 oo qol ka kooban, Xarunta maaraynta xogta, Maktabad, Xarunta daraasaadka iyo cilmi baadhista, Madasha kulamada ka la duwan, goobo lagu madadaasho iyo qaybo kale oo muhiim ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.