Fana: At a Speed of Life!

 Wasaaradda caafimaadka dalkan Itoobiya oo diiwaangelisay 1,105 xaaladood oo cusub oo Covid-19 ah

Addis Ababa Sep 3, 2020 (Nehaase 28,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa shalay warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 1,105 xaaladood oo cusub iyo18 qof oo u dhintay feyraska koroona 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay.

Geesta kale, tirada xaaladaha feyraska ee dalka ayaa haatan ku taagan 54, 409 kiis, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafmaadku.

Tirada u dhimatay feyraska koroona guud ahaan dalka ayaa hadda dhan  846.

Wasaaradda ayaa sidoo kale,warbixinteeda ku xaqiijisay in 416qof  ay xanuunka kasoo bogsadeen 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay,tiradaas oo dadka feyraska ka caafimaaday  guud ahaan dalka ka dhigtay 19,903..

Waqti xaadirkan dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa dhan  303 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 33,658 ruux.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa tijaabo sheybaadh ku fuliyay 949,813

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.