Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Caafimaadka dalkan Itoobiya oo diiwaangelisay 555 kiis oo cusub oo feyraska ah iyo 9 dhimasho

Addis Ababa Jul 26,2020 (Hamle 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa shalay diiwaangelisay 555 kiis oo cusub oo feyraska koroona ah ,24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii feyraska laga baadhay 8,490 qof.

Tirada guud ee feyrasku saameeyay guud ahaan dalka ayaa hadda u boodday(gaadhay) 13,248.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale diiwaangelisay 9 kiis oo dhimasho ah ,kuwaaas tirada guud ee dhimashada ka dhigay 209 ruux.

Sidoo kale, waxa feyraska kasoo caafimaaday 181 bukaan oo u jiifay xanuunka ,kana dhigay tirada guud ee ka bogsatay covid-19 guud ahaan dalka
5, 966.

Geesta kale waxa xanuunka u jiifa (uu hayaa) 7,071 qof iyada oo ay 66 mid ah dadka buka xaalad il-darnaan ah ku jiraan (halis)

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaan sheybaadh ku sameeyay 372,812 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.