Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Caafimaadka oo diiwaangelisay 584 xaaladdood oo cusub iyo 20 ruux oo u dhintay feyraska koroona

Addis Ababa Aug 11, 2020 (Nehaase 5,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka ee dalkan Itoobiya ayaa warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 584 xaaladood oo cusub oo feyraska koroona ah ,24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii baadhitaan sheybaadh la mariyay 11, 881.

Geesta kale Wasaaradda cafimaadka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaangelisay 20 xaaladood oo dhimasho cusub ah oo u geeriyooday feyraska koroona ,iyda oo tirada guud ee u dhimatay feyraska guud ahaan dalka ay dhantahay 440.

Tirada guud ee feyrasku ku dhacay guud ahaan dalka ayaa hadda ku taagan 24,175.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 285 qof oo ka kacay feyraska(bogsaday) 24-kii saacadood ee la soo dhaafay kana dhigay tirada guud ee ka caafimaaday feyraska 10,696.

Dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa iyana dhan 190 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 13,037.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaan sheybaadh ku fuliyay 520,891 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.