Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Caafimaadka oo shalay xadhiga ka jartay mashiinno shaybaadh caafimaad oo tayo leh

Addis Ababa,Sep 29,2021 (Maskarem 19,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka JDFI ayaa shalay xadhiga ka jartay mashiinno shaybaadh caafimaad oo tayo leh, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin sarsare oo tirsan dowladda.

Mashiinnada baadhitaanka molikulada ili-ma -aragtayga ah ayaa waxa  laga daah-furay xarunta kulliyadda caafimaadka ee St. Paul Medical Millennium Medical Institute iyo Machadka fayo-dhawrka Caafimaadka Dadweynaha Itoobiya ,a waxaana la sheegay in mashiinanadani ay awood buuxda u leeyihiin in 24-kii saac-ba  lagu baadho wadar ahaan 4,000 oo tijaabo oo sheybadhka qaaxada ah (TB), Cagaarshowga B, Cagaarshowga C, kansarka ku dhaca ilmo -galeenka, cuddurrada  kala duwan ee galmada lagu kala qaado, iyo xaaladaha kaleba.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Liya Tadesse oo munaasibadii daah-furka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in xukuumadda oo ay weheliyaan hay’ado kala duwan oo iskaashi la leh ay wadeen qorshayaal kala duwan oo kor loogu qaadayo tayada shaybaadhka iyo awoodda hawlfulineed ee qaranka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.