Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda caafimaadka oo soo rogtay dhaqangelinta tallaabooyinka kahortaga ee cudurka Covid-19

Addis Ababa,Apr 08, 2021 (Megabit 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-War-saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda Caafimaadka JDFI  waxa ay kaga dhawaajisay dhaqangelinta tallabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortaga xanuunka COVID 19 ,laga bilaabo maanta oo khamiis ,maadaama uu sii badanayo faafitaanka cudurku.

Xukuumaddu waxay soo rogtay xayiraad adag taas oo ay fulinayso guddi gaar ah oo ka kooban mas’uuliyiin iyo xirfadlayaal ka socda Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Nabadda, xeer-ilaaliyaha Guud, komishannada Booliska iyo Federaalka.

Olole wacyigelin ah ayaa ka socda maagaladan Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo dalka ahba ,kaas bulshada looga wacyigelinayo cudurka habab kala duwan oo ay kamid yihiin dhanka warbaahinta,iyo in si fool ka fool looga wacyigeliyo dadka.

Waxyaabaha dadka lagu boorinayo in ay dhaqangeliyaan waxa ka mid xidhashada afdaboolka(Maaskarada ), ilaalinta fayodhowrka  oo ay tahay in dadku marwalba ay ku dadaalaan. ayaa bayaanka lagu sheegay.

Waxa kale oo la hakiyay kulamada bulshada,sida in ay hudheelladu martigeliyaan tiro ka badan inta loo ogolyahay.

Ma jiraan shirar ay yeelanayaan masuuliyiinta heerarka kala duwan iyo kuwa kale ee aan xidhanayn afdabool iyo tirada la oggol yahay ee kaqeybgalayaasha.

Makhaayadaha iyo xarumaha madadaalada waxaa loo oggol yahay inay fadhiistaan 3 qof oo keliya miiskiiba ,iyaga oo kala fogaanaya msaafo 2m ah.

Hay’adaha diimaha, iskuulada, xarumaha daryeelka caafimaadka iyo hay’adaha kale ee bulshada ayaa looga baahan yahay inay u hogaansamaan xidhashada afdaboolka .

Waan in iyana wargelinta xidhashada maaskarada lagu dhejiyaa xarumaha kulmiya bulshada sida iskuullada meheradaha ganacsiga,iwm.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya waxa fayraska koroona u geriyooday in ka badan 3kun oo ruux,halka tirada cudurku uu ku dhacayna ay kor u dhaaftay 220,000.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.