Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda gadiidka iyo Hay’adda WFP oo kala saxiixday Heshiis Is-af-gard

Addis Ababa,Sep 22,2021 (Maskarem 12,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Gaadiidka JDFI iyo Barnaamijka(Hay’adda) Cuntada Adduunka (WFP) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-af-gard (MoU) oo ujeedkiisu yahay hagaajinta hanaanka saad-gaadhsiinta gaadiidka ee Itoobiya.

Heshiiskan iskaashi ee ay wada gaadheen labada dhibac ayaa waxa ka mid noqon doona in waaxda laga tageero dhinacyada cilmi-baadhista iyo kobcinta awoodda farsamo ee waaxda.

Heshiiskan is-afgarad ee ay kala saxeexdeen wasiiradda gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges iyo Agaasimaha hay’adda WFP ayaa ay hoosta kaga xariiqeen in la hirgalkiisa laga wada shaqayn doono.

Heshiiskan ayaa xoojin doona Qorshaha Horumarinta Tobanka sano ee socda ee dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.