Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Maaliyadda oo wakiilka gaarka ah ee dowlada UK uga warbixisay xaaladda haatan uu dalka marayo

Addis Ababa,Sep 21,2021 (Maskarem 11,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda JDFI ,Eyob Tekalign ayaa kulan la qaatay ergeyga gaarka ah eedawladda UK u qaabilsan ka hortagga macluusha iyo arrimaha bani’aadannimada Nick Dyer.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii ergayga gaarka ah ee dowladda Ingiriiska ka socda warbixin mug leh looga siin lahaa arrimaha bani’aadannimo iyo dhaqaale ee ka jira dalkan Itoobiya.

Ergaygu wuxuu carrabka ku adkeeyay iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay Dowladda UK inay sii waddo taageeridda Dowladda Itoobiya ee wax ka qabashada xaaladda bani’aadamnimo ee ka taagan waqooyiga dalka, gaar ahaan deegaannada  Canfarta, Amxaarada iyo Tigrayga.

Wasiiru-dowle Yaasmiin Wohabrebbi ayaa sidoo kale Ergeyga uga warbixisay howlaha ay qabaneyso Xarunta Iskudubaridka Gurmadka Qaran si loo dardargeliyo gaadhsiinta adeegyada bani’aadamnimada ee Waqooyiga dalka iyo sidoo kale taageerada bani-aadannimo ee looga fadhiyo hay’addaha daneeyayaasha gargaarka bani-aadannimo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.