Fana: At a Speed of Life!

Wasiir Muferixaat iyo Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada ee Talyaaniga oo khadka taleefanka kuwada xidhiidhay

Addis Ababa DEC 09, 2020 (Hidar 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Nabadda ee dalkan Itoobiya Marwo Muferixaat Kaamil ayaa khadka taleefanka kula xidhiidhay wasiir kuxigeenka arrimaha dibada ee Talyaaniga, Emanuela Del Re.

Muferixaat ayaa Emanuela Del Re uga warbixisay hawlgalkii sharci fulinta ee dhowaan la soo gabagabeeyay iyo gaadhsiinta gargaarka bini’aadanimo ee deegaanka Tigray.

Wasiir Muferixaat waxa ay xustay in howlgalkii fulinta sharciga loogu guuleystay si habsami leh oo laga taxadraray islamarkaana mudnaanta la siiyay ilaalinta shacabka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka-kuxigeenka arrimaha Dibada Talyaaniga ayaa dhankeeda bogaadisay taxadarkii laga sameeyay ilaalinta dadka rayidka ah intii ay socdeen hawlgalladii taabagelinta sharciga.

Wasiir Emanuela waxa ay sidoo kale,xaqiijisay in Talyaanigu sii wadi doono taageerada uu la garab taaganyahay Itoobiya ee wax lagaga qabanayo dhanka bani-aadannimada, gaar ahaan dhanka daawooyinka oo loo sii marinayo hay’adda Laanqayrta Cas.

Waxa kale oo ay xustay in xidhiidhka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee labada dal uu sii xoogaysan doono.

Wasiir Muferixaat waxa ay dhankeeda ka mahad-celisay taageerada dawlada Talyaaniga, sida ay sheegtay wasaarada nabaddu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.