Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka arrimaha dibada JDFI Demeke Mekonnen oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika.

Addis Ababa DEC 02, 2020 (Hidar 23,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare kuxigeenka JDFI ahna Wasiirka Arimaha Dibada Demeke Mekonnen ayaa isniintan maanta ah xafiiskiisa ku qaabilay Parfait Onanga, oo ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika.

ka dib wadaxaajood uu la yeeshay ergayga gaarka ah, Demeke Mekonnen wuxuu sharaxaad kabixiyay howlgalka ay dowlada federalku kawado deegaanka Tigray ,in ujeedkiisu yahay taabagelinta dastuurka iyo ku dhaqanka sharciga.

Demeke  ayaa yidhi ”Dowladdu waxa ay qaadanaysaa dhammaan taxaddarka lagama maarmaanka u ah ilaalinta dadka rayidka ah iyo ka fogaanshaha waxyeello hor leh oo timaada inta uu socdo howlgalka”.

Dawladdu waxay ku guulaysatay inay lawareegto inta badan gacan ku haynta deegaankaTigray wuxuu sheegay in dawladu bilawday yagleelidda maamul ku meel gaadh ah oo laga samaynayo goobahii la xoreeyay.

”Maaddaama inta badan deegaanka ay gacanta ku hayso dawladdu,dawladdu waxa ay diyaar u tahay inay fududeyso howlaha ay wadaan hawlwadeennada samafalka ee gobolka”, ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay gargaar bani’aadamnimo siineyso dadka u baahan taageerada degdegga ah iyadoo lagu saleynayo daraasadaha qiimeynta baahiyaha ee ay sameeyeen hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh.

Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sida ay dowladu diyaarka ugu tahay inay taageerto dhammaan dadkii  Itoobiyaanka ahaa ee ku barakacay howlgalka ,sidii ay dib ugu laaban lahaayeen deegaannadooda.

Ergeyga gaarka ah ayaa uga mahadceliyey Demeke warbixintiisa wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sii wado xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah, xuquuqda aadanaha, iyogaadhsiinta gargaarka bini’aadanimo oo la gaadhsiiyo goobaha ay dhibaatadu saameysey.

Dhanka kale, Danjire Ridwan Xuseen ayaa shalay nuqulo ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Korea u fadhiyi doona dalkan Itoobiya  danjire Kang Seokhee  .

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada deegaankaTigray, helitaanka gargaarka bini’aadanimo iyo dib u furidda adeegyada gaadiidka iyo isgaadhsiinta deegaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.