Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS oo TPLF ku eedeeyay hagardaamayntii shacabka Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa,DEC 28,2021 (Tihsas 19,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS, Maxammed Ismaaciil oo waraysi gaar ah siinayay war-baahinta Deegaanka ayaa sheegay in Deegaanka Soomaalida ay hagardaamaysay dowladdii hormuudka u ahayd TPLF muddadii ay dalka ka arriminaysay iyada oo ka hor istaagtay horumarka.

Waxa uu xusay in ay kala dagaallantay TPLF shacabka Soomaalida kaabeyaashii horumarka sida; waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyadii kale ee aas-aasiga ahaa, waxa uu sida oo kale xusay in Deegaanka xilligan si buuxda nabadgelyo uga jirto, halka markii hore adkayd in lagu noolaado.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in dowladda iyo Xisbiga Barwaaqo uu hiigsigoodu yahay sidii Deegaanka Soomaalida u gaadhsiin lahaayeen degganaasho siyaasadeed, sidii loo sii xoojin lahaa nabadgelyada jirta iyo in la abuuro jawi siyaasadeed oo ilbaxnimo ku dhisan in Deegaanka laga abuuro isbaddel nololeed oo ku salaysan sinnaan iyo caddaalad.

Xigasho:SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.