Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Maaliyadda JDFI oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Sannadka ee Afrika

Addis Ababa Aug 17, 2020 (Nehaase 11,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasiirka Maaliyadda JDFI mudane Axmed Shide ayaa ay Majaladda hoggaaminta ee Afrika u magacawday Abaalmarinta Wasiirka Maaliyadda Sannadka ee ugu fiican qaaradda Afrika.

Wasiir Axmed shide ayaa abaalmarintan lagu guddoonsiin doonaa shirka madasha 5aad ee maalgelinta iyo arrimaha siyaasada ee ay wada yeelanayaan maraykanka iyo waddamada Afrika kulankaas oo ay ku qaadanayaan habka maqalka iyo muuqaalka tooska ah, 29 ilaa 30- ka bisha soo socota ee September sannadkan 2020.

Guddiga ugu sarraysa majalada hoggaaminta ee Afrika ayaa shaacisay liiska 17 guulayste oo laga soo xulay 17 waaxood oo kala duwan.

Guulaystayaashan oo uu ku dhawaaqay madaxa tafatiraha majaladaas Dr.Ken Giami ayaa waxa ay codayntu ka dhacday Xafiiska ay majaladu ku leedahay Ingiriiska ka dib markii xubnaha guddiga sare ay kala xuleen codadkii lagu dhiibtay Habka tooska ah iyo habka caadiga ee codayntaba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.