Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta oo kulan la yeeshay masuuliyiinta xafiisyada biyaha ee deegaannada dalka

Addis Ababa,Jan 11,2022 (Dir 03,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta JDFI ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta xafiisyada biyaha ee deegaannada dalka.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saarayay qorshayowga tamarta ee Itoobiya u yaalla. fikirrada laga heli doono masuuliyiinta deegaannada ka kala socda ayaa gundhig looga dhigi doonaa qorshaha tamarta ee dalka.

Waxaa kale oo lagu lafo-guri doonaa waxqabadka deegaannada ee dhinaca tamarta, caqabadihii kala soo darsay iyo qorshaha gaadhsiinta quwadda korontada dalka ee sannadka 2025-ka.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta JDFI, Dr. Habtamu Ittafa ayaa sheegay in loo baahan yahay in khabiirrada ku hawllan waaxda tamarta looga baahan yahay ballaadhinta waaxda si loo horumariyo dalka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.