Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS oo soo kormeeray adeeg-bixinta xarunta caafimaadka ee degmada Dambal ee gobolka Siti

Addis Ababa,Mar 24, 2021 (Megabit 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa soo kormeeray adeeg-bixinta xarunta caafimaadka ee degmada Dambal ee gobolka Siti.

Waxaana kormeerkaasi ku wehelinayey madaxa arrimaha siyaasadda iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Siti Injineer. Mustafa Abdi Aaden iyo qaar ka mid ah maamulka degmada Dambal ee gobolka Siti.

Ujeeddada kormeerkan wasiirku ku tagay xarunta dhexe ee caafimaadka ee degmada Dambal ayaa ahayd sidii wax looga ogaan lahaa heerka uu taagan yahay adeeg-bixinta xarunta.

Dr.Yuusuf Maxamed Cali wasiirka xafiiska caafimaadka DDS sidoo kale waxaa uu booqday waaxyaha kala duwan ee xarunta iyo adeegga ay bulshada u fidiso heerka uu taagan yahay si loo xaqiijiyo adeeg-bixinta bulshadu si ay noqoto mid hufan oo deg-deg ah.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.