Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Xafiiska Maal-galinta iyo Qurbo-joogta DDS oo  sheegay in isbaddalkii kaddib mashruucyo ay ku baxayaan “Afar (4 )Billion” oo Birr Deegaanka laga diiwan-galiyay

Addis Ababa,Mar 25, 2021 (Megabit 16,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Xafiiska Maal-galinta iyo Qurbo-joogta DDS Mudane.Cabdisalaam Yuusuf ayaa sheegay in isbaddalkii kaddib mashruucyo ay ku baxayaan “afar (4 )Billion” oo Birr Deegaanka laga diiwan-galiyay.

Isbaddalki kaddib ayaa waxaa isa soo taraya hantiilayaasha qurbo-joogta iyo Qaran-joogta ah ee maal-gashanaya Deeganka.

Tiro udhaxaysa 700 ilaa 800 oo maal-gashadayaal ah ayaa isbaddalkii kaddib qaatay ogolaanshaha iyo fasaxa ay ku maal-gashanayaan Deegaanka.

Wasiirka Xafiiska Maal-galinta iyo Qurbo-joogta DDS oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sannadkan 2013-ka ee T.I in xafiisku uu diwaan-galiyay tirada ugu badan ee maal-gashadayaasha ah oo wadar ahaan dhan 200 oo hantiilayaal ah ayna muwaadiniin badan ka heleen fursado shaqo-abuur oo kala duwan.

Ugu danbayna,Wasiirka ayaa ugu baaqay Qurba-joogta iyo Qaran-joogta xiisaynaya inay maal-gashadaan Deegaanka in xafiisku garab tagaanyahay.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.