Fana: At a Speed of Life!

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS oo daah-furay dugsi hoy ah oo laga hirgeliyay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,Sep 21,2021 (Maskarem 11,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS ayaa daah-furay dugsiga hoyga waxbarashada ee Liibaan oo gaar loo leeyahay islamarkaana laga hirgeliyay magaalada Jig-jiga.

Dugsigan hoyga waxbarashada ee Liibaan oo ay maal-gashadeen mawaaddiniin u dhalatay Deegaanka ayaa ka kooban fasalka 1-8aad, kaas oo sannadkani lagu billaabayo 100 arday oo ka heli doona adeegga waxbarasho, jiifka iyo cuntada.

Wasiirka Waxbarahada DDS, mudane Maxammed Faatax Maxammed ayaa tilmaamay in maal-gashiga waxbarashadu uu door muhiim ah ka qaadanayo daboolidda baahida waxbarashada Deegaanka.

Maxammed Aadan, maamulaha dugsigan hoyga Liibaan ee magaalada Jig-jiga ayaa sheegay in iyaga oo ka duulaya baahida waxbarashada Deegaanka ay aas-aaseen dugsigan si uu qeyb uga qaato baahida waxbarashada Deegaanka.

Dugsiga hoyga Liibaan ee magaalada Jig-jiga laga hirgaliyay ayaa waxaa shaqo-abuur ka helay 25 qof oo isugu jira barayaal, maamulka iyo shaqaalaha adeegga.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.