Fana: At a Speed of Life!

Wasiiru-dowlaha adeegga warfaafinta:Hanaanka loo marayo wadaxaajoodyada qaran ma aha ku lagu qaldi karo in diyaar loo yahay wadaxaajood lala galo kooxda argagixisada ah ee TPLF

Addis Ababa,DEC 22,2021 (Tihsas 13,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiiru dowlaha Adeegga warfaafinta Dowladda, Kebede Desisa oo warbaahinta la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in hanaanka loo marayo wada xaajoodyada qaran aysan ahayn kuwo lagu qaldi karo in diyaar loo yahay wadaxaajood lala galo kooxda argagixisada ah ee TPLF.

Wasiiru-dawlaha ayaa sheegay in wada xaajoodka qaranku uu ka mid yahay balan qaadyadii ay xukuumadu samaysay ka hor inta aysan argagixisada TPLF weerar kusoo qaadin qaranka.

Balse dedaallada socda ee wadaxajoodyada qaranka ayaa gol-leeyahay in la xaqiijiyo talo-wadaag qaran oo waafaqsan xoojinta dhismaha qaranka. “Waana ajande hore loo dejiyay ka hor intii aysan ismaandhaafyadu  dhicin,” ayuu carrabka ku adkeeyay.

Sida ku cad ballan-qaadka xukuumadda ee ah in la dhiso hay’ad madax-bannaan oo u xilsaaran soconsiinta hawsha qabyo-qoraalka ee magacaabista guddiga wada-tashiga qaran ee golaha, ayaa dhawaan waxa la ansixin doonaa guddigaasi, isagoo sheegay in diyaarinta hindise-sharciyeedka mar hore la dhammaystiray.

Mar uu ka hadlayay hawlgalka ololaha midnimada qaran, Wasiiru Dawlaha ayaa sheegay in ciidamada qaranku ay sii wadi doonaan talaabooyinka militari si aanyay u dhicin in kooxda argagixisada ah ee TPLF aysan mar dambe qaranka halis ugu noqonin.

Kebede ayaa hoosta ka xarriiqay ‘’si loo qariyo jabka iyo burburkii soo gaadhay kooxda argagixisada ah ee TPLF guud ahaan, in dhawaan bilawday warar la isdhexmarayay oo ahaa in ay iska kaga baxeen  goobihii ay kusoo duuleen ka dib markii amar lagu siiyay in iskaga baxaan.

Sheegashada been abuurka ah ayaa looga gol-leeyahay in lagu marin habaabiyo warbaahinta caalamiga ah iyo hooyooyinka deegaanka Tigray oo laga yaabo in ay wax iska weydiiyaan halka ay ku sugan yihiin caruurtooda sida qasabka loo geliyay.ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu eedaymo ballaadhan u jeediayay warbaaahinta CNN ee caadaysatay in warbaxinno xaqiiqda ka fog ay ka baahiso Itoobiya waxaana uu yidhi, “CNN-ta iyo warbaahinta kale ee caanka ku ah wararka been abuurka ah sida” Addis Ababa oo la go’doomiyey” ayaa wareejinaya warar been abuur ah oo sheegaya in argagixisada TPLF ay ka baxayso si ay nabadda fursad u siis’’.

Waxa sidoo kale ka hadlay arrimo ku saabsan ku saabsan golaha xuquuqul-insaaanka oo sheegay in waddamada ay soo jeediyeen in la qaado tallaabo ka dhan Itoobiya.

Waxa uu intaa ku daray in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu laba iyo toban kulan ka yeeshay arrimaha Itoobiya, kuwaas oo laba ka mid ah ay la xidhiideen arrimaha bini’aadantinimo ee Itoobiya iyo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.