Fana: At a Speed of Life!

Wefti ka socda dalkan Itoobiya oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibada Turkey-ga.

Addis Ababa July 17,2020 (Hamlee 10,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wefti ka socday dalkan Itoobiya uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee JDFI Mulatu Teshome ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dal iyo arrimaha gobolka ee ahmiyada weyn u leh iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Wadahadalka kadib, Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga ayaa bartiisa twitterka soo dhigay “Waxaan kulan midho dhal ah la yeelanay Wakiilka Gaarka ah ee Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome Wirtu.” “Waxaan ku heshiinney in aan hagaajino iskaashigayaga dhammaan dhinacyada , gaar ahaana ganacsiga iyo maalgashiga,” ayuu raaciyay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.