Fana: At a Speed of Life!

Wejigii labaad ee buuxinta biyo-xidheenka weyn ee Itoobiy oo la dhammaystiray

Addis Ababa,July 19, 2021 (Hamle 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Waraabka  ,Biyaha iyo Tamarta, Dr. Seleshi Bekele ayaa  sheegay in lasoo gebagebeeyay wejigiii 2aad ee buuxinta biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya(GERD).Dr. Seleshi ayaa xusay in qulqulka socdaa uu gaadhay labada dhinac ee kore iyo hoose.

“Sannadkan sidoo kale waxaan la helnay roobab mahiigaan ah oo ka yimi Wabiga Abbay (Wabiga Niilka  buluuga ah). Sidaas darteed,  ayaa kaydka Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) uu si dhakhso leh ugu buuxsamay ”ayuu xusay

Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) waa biyo-xidheen laga dhalinayo quwadda korontada ee Itoobiya ,waana ilaaliyaha hantida kaabayaasha dhaqaalaha ee waddamada uu maro ,waxaana uu ka hortagayaa isbedelka cimilada.

Sidoo kale waa hab horumar lagu gaadhayo laguna wada barwaaqoobayo, Isaga oo aan cidna khatar gelinaynin, Dr. Seleshi ayaa sii raaciyay.

“Talaabada xigta ee dhismaha Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ( GERD) ayaa ah in loo xaqiijiyo jiilka ugu horreeya bilaha soo socda. Hambalyo shacab-weynaha  Itoobiya ”ayuu sii raaciyey.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.