Fana: At a Speed of Life!

xaaladdaha feyraska koroona ee dalkan Itoobiya oo kor u dhaafay 39,000

Addis Ababa Aug 23, 2020 (Nehaase 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Iyada oo maalinba maalinta  ka dambaysa ay xaaaladaha feyrasku kor u sii kacayaan ayaa ay wasaaradda caafimaadka ee dalkan Itoobiya shalay warbixinteedii maalin laha ahayd ku diwaangelisay 1,368 xaaladood oo cusub ka dib markii tijaabo sheybaadh la mariyay 19,776 ruux 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.

Warbixintaa cusub ee shalay kadib, tirada kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka coronavirus guud ahaan dalka ayaa gaadhay 39,033 xaaladood.

Geesta kale , 25qof ayaa u dhintay fayraska kuwaas oo wadarta tirada dhimashada cudurka ka dhigay 662.

Wasaaradda ayaa sidoo kale,warbixinteeda ku xqiijisay  in 567 qof  ay xanuunka kasoo bogsadeen kana dhigay tirada  guud ee ka caafimaaday feyraska 14,480.

Waqti xaadirkan dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa dhan 251 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 23,889.

Ila haatan dalkan Itoobiya ayaa tijaabo sheybaadh ku fuliyay 736,904 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.